Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Maanta Xilka La Wareegay (SAWIRO)

Munaasabadaan ayaa ka dhacday xarunta dugsiga tababarka ciidanka boliiska soomaaliyeed ee Ganaral Kaahiye , iyadoo madashaasi kusugnaa wasiirka wasaaradda amniga dalka Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) , Taliyaha ciidanka boliiska ee xilka wareejinaaye iyo waliba taliyaha cusub ee ciidanka boliiska.

Warbaahinta dalka ayaa lasoo shaqeeyay taliska ciidanka boliiska, iyagoona halkaasi shahaado sharaf kusiiye  sareeye gaas maxamad sheikh xasan xaamud taliyihii hore , waxaana dhanka kale xusid mudan in taliye xaamud dhankiisana uu bilad gudoonsiiye oo ah la shaqeyntii warbaahinta intii xilka hayay .

Taliyihii horre ciidanka boliiska soomaaliyeed sareeyo gaas maxamad sheikh xasan xaamud oo madashaasi kahadlay  ayaa  ku dheeraaday waxqabadkii mudada xilka haye iyo waxyaabihii usuurta galay .

Taliye xaamud ayaa inta xilka haye ku guuleystay Tayeenta ciidanka boliiska , qaadashada leyli saraakiil cusub oo boliiska kusoo biiray kana baxay dugsiyada sarre iyo jaamacadaha dalka , xiriirka taliska boliiska  la lahaa dowlad goboleedyada oo lahabeeyay , tababar mehradeedyo loo qabtay Gashanle sarre ilaa darajada xidigle oo dhowr dufcadood ahaa.

Iyadoo sidoo kale  taliska boliiska uu dowr wanaagsan siiyay tayeenta gabdhaha boliiska oo haatan gaaraya ku dhawaad kun Haween oo ka ah ciidanka boliiska 10% waana hey,ada kaliyaha ee haweenka ugu badanyihiin marka ciidamada qalabka sida loo eego.

Taliyaha cusub ciidanka boliiska dalka sareeyo guuto c.xakiin daahir saciid saacid ayaa ugu mahadceliyay taliyihii horre ciidanka boliiska sareeye gaas xaamud waxqabadkii wanaagsanaa boliiska uqabtay , isagoona sheegay in halkiisa kasii wadi doono.

Gen Saacid ayaa sheegay in ciidanka boliiska kaalin mug leh ka qaadanayaan sugida amniga caasimada , isla markaana shacabka noqon doonaan kuwo amni hela.

Wasiirka wasaaradda amniga dalka Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa sheegay in lama huraan tahay ka shaqeynta amniga , culumada soomaaliyeedna laga doonaayo in wacyi galin balaaran siiyaan dhalinyarada laqalday , ciidankana diyaar u yahay ka shaqeynta amniga isla markaana la xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

Xigasho:- SONNA