Kudlada Horusocod ee Mucaaradka oo doortay Hogaan Cusub

Kudlada Horusocod oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo u badan Xildhibaanadii Qabyo ayaa xalay doortay Hoggaan cusub.

Sida ay sheegayaan wararka Kudlada Horusocod oo ah Isbaheysi mucaaradsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar kala duwan ku lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo kaga hadlayay sidii hoggaan cusub u dooran lahaayeen.

Guddoomiyaha Kudlada Horusocod ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana Xoghaye loo doortay Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow).

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Kudlada Horusocod C/rashiid Xidig iyo xubnaha  Kudlada Horusocod ay ku kala tageen arrimo kala duwan oo ay ka mid aheyd Mooshinkii Jawaari.

Horaantii bishii April ayay aheyd markii C/rashiid Xidig iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku kulmeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, taasna ay keentay kala shakiga xubnaha Kudlada Horusocod oo soo dedejisay in Hoggaan cusub ay doortaan.

Kudlada Horusocod ayaa ah isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka Xukuumadda iyo Madaxtooyada ee xilligan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ka dhex muuqday Xildhibaano caan ah oo dowladdii hore saameyn ku lahaa.

Lama oga hoggaankan cusub Kudlada Horusocod waxaa uu ku soo kordhin doono mucaaradadii horay u jirtay ee Xukuumadda iyo Madaxtooyada kala kulmayeen Xildhibaanada aan siyaasad ahaan taageersaneyn labada xafiis.