Maamulka Soomaaliland oo 5 sano oo xarig ah ku xukumay Boqor Buurmadow

Maxkamad ku taala Hargeysa ayaa 5 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan Buurmadaw . 
Xarig ciqaabeedkan lagu riday Boqor Buurmadaw ayaa xariir la leh , hadalo uu ka jeediyey madal ahayd caleemosaar madaxdhaqameed Soomaaliyeed oo ka dhacday Puntland, hadalada oo la sheegay in ay ( qaranimada ) Somaliland wax u dhimeen.
maamulka Soomaaliland ayaa aalaba xiro dadka hadalada aysan jeclaysan ku hadla waxa ayna horaantii bishan xireen gabar Abwaanad ahayd oo lagu magacaaboo Abwaanad Nimca qorane.