Dagaal dhex maray Ciidamada Gal-mudug Iyo kooxo Burcad badeed ah

Wararka aan ka helayno degamada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidmo ka tirsan Maamulka Gal-Mudug ay weerar ku qaadeen kooxdii Burcad badeeda aheyd ee dhawaan qabsaday doon ganacsi oo laga lahaa dalka Hindiya,

Ciidamada Gal-Mudug oo baadi goob ugu jiray kooxdan burcad badeedka ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Qaraaroow oo hoostagta dagmada Hobyo. Waxaana halkaas ku dhax maray dagaal saacado kooban qaatay. lamana oga  qasaaraha soo kala gaaray,

kooxaha Burcad badeeda ayaa mudooyinkii u danbeeyay dib u soo laba kacleeyay waxaana hada socda dadaalo la doonayo in mar kale la wiiqo awoodooda,