Puntland oo marti-galineysa Shir looga hadlayo xasilinta Amniga Kuufurta Soomaaliya

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmaya shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga Puntland ee shirkaan marti-gelinaysa ayaa khibraddeeda la xiriirta sugidda amniga  la wadaagaysa mas’uuliyiinta ka socda  Koonfurta Soomaaliya,si loo xasiliyo Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay weli ku xooggan yihiin Al-shabaab,islamarkaana ay ka socdaan dagaallo iyo qaraxyo joogta ah.