Wasiirkii Gaashaandhigga Oo Is Casilay kuna biiray Musharaxiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka (SAWIRRO)

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Golaah Shacabka Soomaaliya.

Wasiir Mursal ayaa Warqada istiqaalda waxa uu u gidbiyey Guddiga doorashada gudoomiyaha oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle,waxana isla Maanta uu qaatay Shahaadada mushaarxnimo ee guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.