War goor dhawayd na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax xogan uu ka dhax dhacay xero ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Ex -Warshadii hore ee Nac naca ee Degmada Wadajir,
Qasaaraha qaraxani gaystay ayaa ilaa hada inta la og yahay waxaa ku geeriyooday 5 Askari 10 Kalena waa ay ku dhaawacmeen,
warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa ismiidaamin uu fuliyay nin xirnaa dareeska ciidanka Milatariga , waxa uuna qaraxa ka dhacay gudaha xerada halkaas oo lagu tababaro ciidanka Milatariga.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan qarxay uu beegsday goob lagu tababarayay ciidanka Milatariga halka warar kalana sheegayaan in uu beegsaday goob ciidanka Milatariga lagu siinayay mushaar.
Goobsan Media