Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magaalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii ay horay u tababareen Imaaraadka ay ka warheleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka,isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan Agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale.
Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa waxa ay noo sheegeen inĀ ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.
Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.