Ciidamada Dowladda oo weeraray Fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceelgaras ee Gobolka bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan ciidamada ay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.