Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo Shir Jaraa’id Wada Qabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) iyo Gudoomiyihii Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay.

Ugu horeyntii Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa cadeeyay in uu ka tanaasulay xilka guddoonka baarlamaanka Soomaliya, uuna fiiriyay danta dalka.

Waxa uu sheegay Jawaari in maalinta berito oo arbaca ah uu hortagi doono Baarlamaanka si uu khudbad ugu jeediyo uguna celiyo xilkii uu u hayay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa soo dhaweeyay tanaasulka uu sameeyay Jawaari,kaasi oo fiiriyay danta dalka iyo dadka-ba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jawaari uu sameeyay arin wanaagsan, oo loo baahnaa, Taariikhdana ay xusi doonto.

Waxa uu ugu  baaqay Gudoomiyihii Hore ee Jawaari marka uu xilka wareejiyo in uusan intaas ku joojin shaqoyinkii qaranku u hayay.