Hogaanka Al-shabaab ayaa maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, iyagoo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Hore.
Al-shabaab ayaa gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud u Magacaabay Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid oo bedelay Sheekh Xasan Yacquub Cali.
Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiin katirsan Al Shabaab ayaa isbedelka cusub ee dhanka maamulka ah looga dhawaaqay.
Sheekh Xasan Cali Yacquub Cali Gudoomiyihii Hore ayaa muddo shan sanadood ka badan ahaa Gudoomiyaha Gobolka Galguduud.