Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda kenya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ka dhacay faxfaxdhuun Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,ayaa hadana dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu saacado badan socday.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kenya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Deegaanka Faxfaxdhuun ayaa qiyaasti 70 KM ujirta magaalada Baardheere oo sanaddii lasoo dhaafay 2017 ay isaga baxeen kumanaan katirsan ciidamada Kenya.