Kenya oo lacag Abaal marin ah ku bixineysa soo qabashada Rag ku sugan Gobolka Gedo iyo Magacyadooda

Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa lacag dhan  16 shilinka Kenya ah dul dhigay rag looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Xogaga Al-shabab kuwaa oo qorshenaya in ay weeraro kafuliyaan gudaha dalka Kenya.

Raggan oo tiradoodu lagu shegay sided ayaa magacyadooda lagu kala sheegay  Issack Alio Mohamed, Rahim Mohamed Sheikh, Bishar Hared Hussein  Bashie Adan Osman, Abdirashid Ibrahim Osman Noor, Siyat Ibrahim Abdullahi, Abdi Ahmed Ibrahim  iyo Mohamed Muhumed Ahmed.

Marka la eego bayaankan kasoo baxay sarkaal sare oo katirsan ciidamada boliceka dalka Kenya ayaa u xaqiijiyay wargeyska daily nation ee kasoo baxa dalkaasi Kenya in raggan ay qorsheenayaan weerar isla markaana ay dul dhigeen lacagtan cidii soo sheegtana lagu doon siin doono  lacagtaas .

Isagoona dhanka kale sheegay in  ay ku dabada jiraan raggan gordhowna gacanta laga koo dhigi doono waa sida uu shegay sarkaal katirsan ciidamada difaaca dalka Kenya.

Qaar kamid ah raggan ayaa la aamin sanyahay in uu hogaaminayo  Isak Okola kaa oo sida lasheegay kusugan tuulo lagu magacaabo  Borubirdeso ee udhow magaalada Elwak ee gobolka Gedo.

Iyadoona dhanka kale qaar kamid ah ragaasi uu hogaaminayo “ Ali Dere kaas oo ciidamada booliska Kenya ay ku sheegen in uu kunool yahay magaalada Khadija Haji ee udhow magaalda Mandera ee Waqooyi bari  dhulka  soomaalida kenya.

Agaasimaha isgaarsiinta ciidamada booliska dalkaasi kenya”  Charles Wahong’o ayaa shegay maalin nimadii khamiista aheyd in dhowr weerar ay ka hor tageen dad badana ay gacanta kusoo dhigeen kuwaa oo la aamin san yahay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-shabab dadkaasi gacanta lagu dhigay waxaa kamid ah Habiba Omar Ali, taas oo guri geeda laga helay shan qori oo ah nuuca ay soomaalida utaqaan iyo AK 47 sidookle  qori rayfal ah iyo qasnado waaweyn kuwaa oo sida ay sheegtay uu lahaa ninkeeda  Mahat Isaack Abdilile kaas oo sida uu sheegay sharkaal karirsan ciidamada boliceka Kenya lagu daba jiro uuna kudhuumaaley sanayo qeybo kamid ah soomaaliya.