Gaari ay wateen ciidanka Amisom oo si arxan daro ah u jiiray muwaadin Soomaaliyeed

Waxaa caawa gaari ay wateen ciidanka Amisom uu ku jiiray wiil dhalin yaro ah oo watay mooto bajaj shilkan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan  isgoyska Sanca wiilkaas ayaa ku geeriyooday isla goobti uu ku jiiray gaarigu.
Gaarigan AMISOM ee jiiray wiilkaasi ayaa waxa uu isku dayay in uu baxsado, balse Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya oo ku baxay Gaarigaasi ayaa ugu dambeyn waxa ay ku qabteen Isgoyska Siinaay ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Gaarigii jiiray wiilkaasi waxa ay ula dhaqaaqeen xarumaha baarista Ciidanka Dowladda Federaalka, si loola xisaabtamo.
Shacabka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa falkan waxa ay ku tilmaameen mid arxan daro ah, oo naxdin iyo qaraqan ku reebay, waxayna sheegeen in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada Ciidanka AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

ayadoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo falkan ay ku kacaan ciidanka Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayagoo dhowr jeer oo hore falkan horay u geystay.