Waxaa Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda la geeyay maydadka illaa iyo 8 askari oo Amisom katirsanaa kuwaas oo lagu dilay weerarkii maalinnimadii Axadda ay Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Madaxwaynaha dalka Uganda Museveni, ayaa tacsi u diray dhamaan Ehaladii ay ka geeriyoodeen ciidamadii lagu laayay weerarkaas, asagoona ku tilmaamay in ay ahaayeen geesiyaal waajibkooda gudanayay.
Madaxwaynaha dalka Uganda, ayaa sidoo kale sheegay tirada rasmiga ah ee ciidamadooda weerarkas lakaga dilay in ay ahaayeen illaa iyo 8 askari, xilli afhayeenka ciidamada difaaca ee dalkaasi Brig Karemire, uu shalay saxaafadda u sheegay in tirada ciidamada weerarkii Buula-Mareer lakaga dilay ay ahaayeen illaa iyo 4 askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca 6 kale.
Madaxwayne Museveni, ayaa hoosta ka xariiqay in xarakada Al-Shabaab ay ka dileen 36 dagaalame halka Al-shabaabna ay sheegteen in ciidamada Uganda, ay weerar kaas ku dileen ay gaarayaan illaa iyo 59 Askari.
Dowladda Uganda, ayaa ah dowladda ugu badan oo ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, ayagoona Soomaaliya ka hawl galayay tan iyo sanadkii 2007’dii.