Xarunta Golaha Shacabka oo laga dulqaaday Ciidamadii la dul dhigay

Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa dib ula wareegay ciidankii horay u joogay xaruntaas,kadib markii laga raray Ciidamadii Xukuumadda ka socday.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in golaha shacabka laga dul-qaaday ciidamadii lagu wareejiyay, oo dib loogu soo celiyay kuwii hore.

Waxa uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka in howlaha Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya dhawaan ay dib u bilaaban doonaan.

Ciidamada Booliska ee gaarka u tababaran oo gaarayay 114 askari ayaa shalay gelinkii dambe dib loogu soo celiyay xarunta golaha shacabka, waxaana la faray in mas’uuliyadooda amniga ay gutaan, isla markaana dib loogu wareejiyay hubkooda iyo furayaashii xarunta.