Al-Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Saldhiga AMISOM ee degmada Buula-mareer

Wararka naga soo gaaraya degmada buula-mareer ayaa ku waramaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhiga ugu weyn ee ciidamada Amisom gar ahaan askarta dowladda ugandha ay ku leeyihiin degmada Buula-mareer ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobgoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay iney maqlayeen weerar culus oo la isku adeegsaday hubka nuuc yadiisa kala duwan laguna qaaday fariisimo ciidamada Amisom ay ku leeyihiin degmada Buulamareer.

Wararka hor dhac ah ee kasoo baxaya dagaalka ayaa ku waramaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka cul culus, balse aan la ogaan Karin cadadka khasaaraha rasmiga ee kala gaaray dhinacyada dagaalamayay waxaa naloo xaqiijiyay in Nin Da’a ahaa oo shacab ah kana mid ahaa dadka degmada Buula mareer uu Madfac habow ah ku dhacay halkaasna uu ku geeriyooday.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Buulamareer oo ku aadan sida wax ay u jiraan iyo iney dagaalka ka qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay iney ciidamada gaarka ee xarakada ay ka dhax dagaalamayaan gudaha degmada buulamareer, In kasto warka lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab lagu sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka.