Wararka aan Ka helayno Magaalada Jowhar Ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in Saaka halkaa ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay iska hor imaad qasaare geystay oo ciidama ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Cali Guud-laawe Xuseen iyo ciidamo Milatariga Soomaaliya ka tirsan ku dhax-maray dedgmada Jowhar.
Wararka aan helayno ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda ee shalay rasaasta ay ku fureen Ciidanka Madaxweyne ku xigeenku ay fariisin ka sameysteen halka falku uu ka dhacay kuwaasi oo dadka deegaanku ku waramayaan inay sababi karto isku dhac markale dhinacyadaas dhax-mara.
Saraakiisha Booliska ee degmada Jowhar ayaa la sheegay in loo diiday inay ka hadlaan iska hor imaadka dhax-maray ciidamada dowaladda iyo Kuwa MD-ne ku xigeenka Kadib amar kaga yimid dhinaca MD-ne ku xigeenka,waxaana idaacadda Dalsan ay la xariirtay Taliyaha Saldhigga Booliska Jowhar iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo labaduba ka cudurdaartay ka hadalka arintan taasi oo xaqiijin u ah Warka ku saabsan inuu jiro amar la dul-dhigay oo ah inaysan arintan ka hadlinkarin.
Xiisadda Saaka ka jirta Jowhar ayaa la sheegayaa inay sababtay inuu istaago isku socodka xaafadda Falku ka dhacay ee Magaalada Jowhar,waxaana ciidamadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan meel aan ka fogeyn halkii markii hore dagaalku ku dhax-maray.
Iska hor imaadkii shalay ayaa sababay dhimashada askari aan ka mid ahayn dhinacyadii dagaalamayey balse Xabaddu ay ugu tagtay halkii uu joogay iyadoo sidoo kale uu qadsaare kala gaaray dhinacyadii isku dhacay