Kooxda Shabaab oo War Kasoo Saaray Xiisada Ka Taagan Degmadda Beledxaawo

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, taasi oo ka dhalatay Darbiga kenya ka dhisayso Xaduudka Labada dal ay wadaagaan.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in aanay aheyn markii ugu horeysay ee ay Kenya dhul qabsato, balse horay Kenya ugu soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

“Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed, Al-shabaab waxay diyaar u yihiin in ay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo”ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeen Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo in ay ka dhiidhiyaan xadgudubka Kenya, gaar ahana dadkii guryahooda la dumiyay.