Dowladda Imaaraatka Carabta oo sheegtay in ay dhinacyo badan ka taageerayaan Soomaaliya

War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Imaaraatka ayaa ugu horeyn lagu cambaaray yay qaraxii 22’kii bishan ka dhacay caasimadda Muqdisho, kaas oo gaystay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimaha dowladda Imaaraatka ayaa tacsi loogu diray dhamaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay qaraxaas, ayadoona inta qaraxaasi ku dhaawacantay loo rajeeyay in ay si dhaqsi leh ku bogsoodaan.
Soomaaliya waxa ay wajahaysaa xaaladdo farabadan oo dhanka bini’aadannimada ah taas oo u baahan in beesha caalamka iyo hay’adaha ka shaqeeya dhanka bini’aadannimada ay meel uga soo wadajeestaan sidii ay si deg deg ah wax uga qaban lahaayeen xaaladaha bini’aadannimo ee kajirta Soomaaliya, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta.
Sanadkii aynu soo dhaafnay dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya waxa ay gaareen heer aanan horay u dhicin ayadoo dadka u baahan gargaarka bini’aadannimo ay ku dhawyihiin in ay labalaabmaan markii loo eego celcelis ahaan shantii sano ee la soo dhaafay.
Qaramada midoobe waxa ay ku qiyaastay 1.2 milyan oo caruur ah in ay haysato xaalad nafaqo daro, xilli 232,000 oo caruurtaas kamid ahna ay halis ugu jiraan in ay u geeriyoodaan xaaladahaasi nafaqo daro.
Dowladda Imaaraatka markasta waxa ay garabtaagan tahay wadanka ay walaalada yihiin ee Soomaaliya, anagoona waqti kasta diyaar u ah in aan garabsiino, wasaaradda arimaha dibadda Imaaraatka waxa ka go’an in Soomaaliya ay ka caawiso qaybo farabadan oo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee kajira gudaha dalka Soomaaliya ayaa lagu gabagabeeyay war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Imaaraatka.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ah dowlad saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waqti uusan aad u wanaagsaneen xiriirka kala dhaxeeyo xukuumadda Soomaaliya tan iyo markii ay Dowladda Soomaaliya ay ka hortimid heshiiskii shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka ay la gashay maamulka Somaliland, heshiiskaas oo Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tilmaameen mid Sharci daro ah, ayagoona sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ay gudaha dalka Somaaliya ka mamnuuceen in ay ka sii hawlgasho shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.