Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga hortago Darbiga Dowladda kenya ay ka dhisayso Xaduudka Soomaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada hadalkii u socday labada Maamul ee Belad-Xaawo iyo Mandheere uu fashil kusoo dhamaaday.
Waxa uu sheegay in wada hadalka ay la galeen Maamulka Mandera uu ujeedka uu ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta labada maamul iyo labada magaalo ee dariska ah oo ay iska kaashadaan dhanka amniga oo uu xusay inay isku afgarteen.
“Shirka labada Maamul waxaan uga wada hadalnay isu socodka iyo iskaashiga dhanka amniga, balse waxaa kale oo jirtay ajande kale oo shirka ka baxsanaa oo la xiriirtay dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka, oo ay go’aansadeen inay sii wadaan, iyagoo sheegay in Madaxweynaha Kenya uu arrintasi amray” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha inaysan maslaxad ku jirin dhismaha darbiga Dowladda Kenya, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dhaq dhaqaaqa ku saabsan dhismaha sharci darrada ah ee ay Kenya ka dhiseyso xadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaliya ugu baaqay in ay talaabo ka qaataan arinta darbiga Dowladda kenya ay ka dhisayso Xaduudka Soomaliya iyo Kenya.











