Shaqsiga Dowlada U qaabilsan Abaabulka Mooshinka jawaari oo la shaaciyay

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deeganadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaas

Shariif Xasan Shiikh aadan, in uu ka dambeeyo mooshinka Xukuumadu ay taageereyso ee ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanadaan oo Xalay shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in ay raali galin ay ka bixinayaan hadalkiisa shalay kasoo baxay qaar kamid ah Xildhibaanadda laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaliya ee ahaa in Jawaari uusan u qalmin xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka, islamarkaana ay usoo jeedinayaan in uu iscasilo.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari ay doorteen Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkaana uusan aheyn Malaaq, ama Nabadoon.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Xildhibaanadaan in Shariif Xasan uu isku dayayo in uu burburiyo Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Geeseey oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya,ayaa sheegay in jawaari uu yahay Gudoomiyaha sharciga ah, islamarkaana qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda KGS aysan haynin sifihii sharciga ah.

Hadalkaan kasoo yeeray qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deeganada Koonfur galbeed Soomaliya ayaa kusoo beegamaya xili shalay tiro Xildhibaano ah oo ku beel ah Gudoomiye Jawaari ay sheegeen in uusan xilka u qalmin islamarkaana ay haboontahay in uu icasilo