Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre oo kulan la qaatay wafti ka socday dowlada Qatar

Waxaa galabta Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliso Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayau kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al-Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaasi, Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda gargaarka ee Qatar charity.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay inay Dowlada Qatar balaariso gargaarka abaaraha kaasoo hadaba ay kaalin lixaad leh ka qaadaneyso ayagoona dhankooda aqbalay inay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.

Sidoo kale Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kale la qaatay safiirka wadanka Norway u fadhiya Soomaaliya kaasoo looga gol lahaa sidii dowlada Norway ay u balaarin howlaheeda mashaariicda horumarinta dalka Soomaaliya, iyo gargaarida abaaraha ku dhuftay badi gobolada dalka Soomaaliya.

Dowladda Norway mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya waxa ka mid ah Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo ay ka hirgelisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.