Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waday in Axada Maanta ah uu u duulo dalka Qatar balse la sheegay in uu ka baaqsaday.
Sababaha ugu weyn baaqashada safarka madaxweynaha ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay khilaafka sii xoogeystay ee ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlaamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku howlanaa xalinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka taas oo laba garab u kala jebisay Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxana safarkiisa uu ahaa mid uu casuumad ka helay boqortooyada iyo Madaxda dalka Qatar.
Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faramajo uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka si xiisada loo demiyo.
Khilaafka ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo gudoomiye Jawaari ayaa sii xoogeystay,iyada oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay noqdeen kuwo labada dhinac la kala saftay.