Hay’adda culumada soomaaliyeed iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta
diinta iyo danaha ummadda kana duulaysa Axkaamta iyo ujeedooyinka Shareecada
islaamka ,kana welwelsan, si gaar ah ,khilaafka xooggan ee ka dhex taagan barlamaanka , waxay soo saaraysaa bayaankan soo socda:
1. Hay’adda culimadu waxay xasuusinayaan xibnaha barlamaanka ee sharafta leh in ay
ku taagnaadaan kana run sheegaan dhaartii ay ku mareen magaca ilaahay in ay
ilaaliyaan danta dadka, dalka iyo diinta.
2. Hay’adda culumadu waxay ugu baaqayaan dhammaan xibnaha barlamaanka,
guddiyadiisa iyo guddoonkiisa in ay ilaashadaan nidaamkii iyo xeer hoosaadkii ay
dhigteen kuna heshiiyeen. Nabigu صلى الله عليه وسلم)wuxuu yiri( شروطھم على المسلمون.(
3. Hay’adda culumadu waxay ugu baaqaysaa dhaamaan hay’adaha dastuuriga ah in ay
is ixtiraamaan isna kaashadaan, wixii khilaaf ahna ku xallistaan si waafaqsan
.(فاتقوا الله وأصلحوا ذات بینكم)(الأنفال:1: (yiri wuxuu ilaahay.sharciga
4. Culimadu waxay ka digayaan falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara In uu
dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ahaa qabyaalad, dulmi, danaysi iyo qof
.(ولا تنازعوا فتفشلوا وتذھب ریحكم)(الأنفال:46:(yiri wuxuu ilaahay . jeclaysi
5. Culimadu waxay usoo jeedinayaan dhamaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan
faragelin shisheeye, dhowraana midnimadiisa iyo madax banaanidiisa.
6. Culumadu waxay caddaynayaan inay diyaar u yihiin xallinta khilaafka taagan,
waxay bogaadinayaan soona dhawaynayaan dadaalada socda ee lagu xallinayo
khilaafka .
7. culimadu waxay u dardaarmayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay
ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda, kana
digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keenina kara tafaraaruq iyo
khilaaf.
Wa bilaahi towfiiq