Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa goordhow waxaa la geeyay si ay amniga ula wareegaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho xili ay taagan yahay xiisad u dhaxeysa Guddoonka Golaha Shacabka.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 100 Askari oo ka tirsan Booliska dalka Uganda la geeyay Xarunta golaha Shacabka,kuwaas oo lagu kordhiyay ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo horay joogay.
Ciidamada AMISOM ayaa horay u joogay qaar ka mid ah Golaha Shacabka balse kuwa cusub lagu kordhiyay,waxana tallaabadaan ay ku soo aadeysaa xili xalay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari uu sheegay in Ciidamo uu soo amray ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ay qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaan ka jirin wax kulan ah laakin hadalka ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa isla xalay beenisay Wasaaradda Amniga soomaaliya.
Si kastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili weli u taagan yahay Khilaafka gudoonka Golaha Shacabka kaas oo kala qeybiyay xildhibaanada,iyada oo lagu eedeynayo in ay ka dambeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.