Gudoomiye Jawaari:-“Baarlamaanka Soomaaliya Waxaa La Wareegay RW Kheyre”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo goordhaweyd shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha xasaasiga ah ee xiligaan taagan.

Gudoomiye Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya in ay Golaha shacabka badbaadiyaan, islamarkaana ay iska ilaaliyaan In ay gacantooda ku burburiyaan Golaha Shacabka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanadda Mooshinka kawada  in ay u dhaqmaan si sharci ah,islamarkaana tiradda uu mooshin ku saxmi karo ay la yimaadaan mar kale, isagana uu diyaar u yahay.

“Golaha Shacabka oo ceeb ay ku dhacdo waa shacabka Soomaliyeed oo ay ceeb ku dhacday, waxa loo socdo ma ahan Jawaari, aniga waxaa ahay marin ee waxa loo socdo waa Golaha Shacabka, howlihiisana la rabo in la fariisiyo, oo laga dhigo Baarlamaanka 8aad””, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in uusan noqon doonin shir gudoomiye ilaa laga xalinaayo mooshin laga keenay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka hadlay ciidamadda caawa la wareegay xarunta Golaha shacabka Soomaliya.

Jawaari ayaa sheegay in Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uu qaadayo mas’uuliyadda wixii ka dhaca xarunta Golaha shacabka, islamarkaana Ciidamadda caawa la wareegay aysan aqoonin habdhaqanka Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in hadii la doonayo in arintaan la xaliyo laga qeyb galiyo Culimadda Soomaaliyeed, beesha Caalamka, iyo shacabka Soomaliyeed.