Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulankoodii uu hada bilowday waxaana Guddoonka ay Xildhibaannada u keeneen xeer ay soo diyaariyeen kaasi oo loogu magac daray “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.
Xeerkaan qodob ka mid ah waxa uu si rasmi ah dalka uga mamnuucayaa shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada waxaa la hadlay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaam “Jawaari ” , Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cawad oo xeerkan Akhriyey.