Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo si caro leh loola hadlay

Dowladda Somaliya ayaa digniin u dirtay dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta, xilli ay taagan tahay xiisada la xiriirta heshiiskii Dakadda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu sheegay Imaaraadka inay kaga digayaan faragelinta ay ku hayaan Somaliya.

“Somaliland waa dad walaalaheena ah waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed, horumarkooda waan jecel nahay, Imaaraadka qaabka ay udhaqmeen ma ahan wax wanaagsan, dacwad ayaana ka gudbinay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in Ethopia ay kala hadashay heshiiska muranka dhaliyay ee dekedda Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil oo saami laga siiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Madaxda dowladda Ethopia ay kala hadleen arinta Berbera,islamarkaana ay u sheegeen in ay kusoo xadgubeen Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.