Ciidamada Amniga oo boqolaal Dhalinyarro ku qabtay howgal ka dhacay Xaafadaha magaalada Muqdisho

Ciidamada xasilinta caasiamdda ayaa xalay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Howlgalan ayaa dadka degaanka sheegeen in lagu soo ururiyey boqolaal  isugu jira dhalinyaro iyo dad kale oo laga soo qabtay Guryahood iyo jidadka xaafadda Siigaale iyo Sooka Key, waxaana markii danbe loo taxaabay xabsiga.

Dadka lasoo ururiyey ayaa la isugu geeyay wadooyinka dhexdooda, iyadoo saacado halkaasi lagu hayey si loo kala sooco, kadibna qaarkood oo laag shakiyey xabsi loo taxaabay xilli saq dhexe ah.

Howlgallada dadka badan lagu qabqabto ee lagu miro habeenkii magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo cambaareeyay iyadoo hay’adaha ammaanka ay u muuqdaan inay dib u soo celiyeen.

Arrintan aya imaaneysa iyadoo degmada Hodon shalay lagu dilay mid ka mida Gudoomiye Waaxeed ka tirsanay Maamulka Degmadaasi oo kooxo hubeysan ay toogteen.