Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buuro ee gobolka Sh/Hoose.
Al-shabaab ayaa marka hore dagaal toos ah la galay Ciidamada amisom ee saldhigay joogay ka dibna waxaa bilowday hoobiyaal iyo hubka culus oo ay labada dhinac isweydaarsadeen.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Hoose ayaa weli faah faahin ka bixinin weerarka dhacay iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buulo ee gobolka Sh/Hoose.
Al Shabaab ayaa dhowr mar weerar ku qaaday Saldhigaan ay ku sugan yihiin Amisom, sidoo kale AL-Shabaab ayaa qaraxyo la bartilmaameedsada gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ee maraya gobolka Sh/Hoose.
Maamulka gobolka Sh/ Hoose oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.











