Degmada deyniile oo ah degmo wayn inta badana dhul banaan ah ayaa waxaa ka socoto howl lagu sheegay baaritaano macdaneed.
Rag dhalinyaro ah oo dadka degaanka ah ayaa isku xil qaamay in ay la soo baxaan Dhagxaan qaali ah oo lagu sheegay meel ay markaas howl ka wadeen oo u dhow garoonkii hore ee diyaaradaha degmada Deyniile oo aan ku booqanay.
Ragan ayaa waxa ay qodeen God wayn oo ilaa iyo dhowr iyo toban mitir hoos u qodan waxa ayna ka raadinayaan dhagxaan qaali ah.
Waxaa la sheegay in Baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in ay dhagxaantaasu ku jiraan meesha hadda la qadayo walina aan natiijo sax ah laga gaarin.
Mid kamid ah odayaasha degaanka ayaa Goobsan u sheegay in ay howshaasu soo socotay muddo ka badan sedex bilood ilaa iyo hadana aysan jirin wax dhagax ah oo lasoo saaray balse ay sii wadi doonaan howlahooda ilaa iyo ay ka gun gaaraan baaritaanadii la sameeyay ayagoona sheegay in ay sii qodoyaan ugu yaraan 10 Mitir oo kale.
Ma jirto wax Agab Casri ah ama Mashiino oo ay Isticmaalayaan ragan howsha ka wado degmada Deyniile balse taa bedelkeeda waxa ay adeegsanayaan qalabka wax lagu qodo oo kaliya.













