Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux naftii hure ahaa oo waday Gaari Hoomey ah, waxaana uu ka dhacay afaafka hore fariisin Ciidamada DFS ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.
Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, iyadoona la sheegayo in khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya.
Qaraxa kadib ayaa la sheegay in rasaas xoogan ay is weydaarsadeen Ciidamada dowldada iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Hasa ahaatee Cabdi Ibraahim Shaamow “Cabdi Dheere” oo ah taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Sh/ hoose oo la hadlay Warbaahinta Goobsan ayaa beeniyay in dagaal toos ah uu ka dhacay halkaasi.