Maxkamada magaalladda Hargeysa ee xaruunta maamulka Somaliland, ayaa maanta laba sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdi maalik sheikh Musse Coldoon, oo mudooyinkii u danbeeyay ku jiray Xabsi ku yaala gudaha,
Xeer ilaalinta Maamulka Somaliland ayaa kusoo eedeeyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon in uu u gafay Madax katirsan maamulka Somaliland sidoo kale uu taageero cad u muujiyay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo,
Qareenada u doodayay Wariye Coldoon iyo Eheladiisa ayaa kasoo horjeestay xukunka ay Maxkamada ku riday Wariyaha, waxa ayna sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka xabsiga ah ee lagu riday Coldoon,
C/maalik Coldoon ayaa ah wariye ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxaana uu soo gudbiyaa fariimo la xiriira dhibaatooyinka nololeed ee heysta dadka dan yarta ah,