Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degaanada ku dhow degmada Afgooye ay Ciidanka Dowladda ka wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo ammaanka lagu sugayo.
Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerarogaadmo ah oo kooban ku qaadeen farisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaano ku dhow degmada Afgooye, waxaana taasi ay keentay in Ciidanka saakay ay bilaabaan Howlgallo.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka ay bilaabeen Howlgallo ka dhan ah Shabaab, gaar ahaan kuwii xalay weerarka soo qaaday.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan weerarkii xalay in wax khasaare uusan geysan, balse iska hor imaad mudo daqiiqado ah socday uu halkaasi ku dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab.
Dadka degan degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqleen Hugunka iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac, ayna dareemeen cabsi ku aadan in degmada la soo weeraray.