Ururka Al-shabaab ayaa todobaadkii lasoo dhaafay Qaraxyo iyo weeraro ku ekeeyay nawaaxiga Madaxtooyada ayadoo Qaraxyadaasi ay qasaaro geysteen.
Hadaba Al-shabaab ayaa baahisay Magaca Wadahii Gaariga ku qarxay Bar Kontorool ee ku dhow taalada Saydka oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda ayadoo gaarigaasi uu qarxay xili la doonayay in la baaro sidoo kale Ciidamada Amaanka ayaa waxa ay toogasho ku dileen Rag kale oo hubeysan oo la socday gaarigaasi kana dagay inta uusan qarxin.
Hadaba Idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ayaa baahisay in Wadahii Gaariga qarxay magaciisa uu yahay Maxamed C/Raxmaan Cabdullaahi oo gudaha Al Shabaab looga yaqaqaan laba magac oo kala ah (Anas iyo Zakariya).
Sidoo kale waxaa la baahiyay Maxamed C/Raxmaan Cabdullaahi inuu kasoo jeedo Beesha Raxanweyn gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool ee Koofurta dalka Soomaaliya.
Halkan ka dhageyso Codka wadahii Gaariga ku qarxay Kontoroolka.