Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa ka hadlay dilka askari ka Tirsanaa Ciidamadda Nabad Sugida Soomaliya oo habeen hore lagu dilay meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho.
AMISOM ayaa sheegtay in falka dilka ah uu dhacay kadib markii Ciidamadda AMISOM loo diiday in ay adeegsadaan wadada aada garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho,islamarkaana labada dhinac ay rasaas dhex-martay.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya Gen Paul Lokech ayaa sheegay in rasaastii dhex martay Ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee Koontoroolka ku sugnaa ay ku waxyeeloobeen dad rayid ahaa,balse ay dib kasoo sheegi doonaan natiijadda rasmiga ah.
Ciidamadda AMISOM ayaa habeen hore waxa ay dileen Askari ka tirsanaa ciidanka NISA kaasi oo ku sugnaa barkontorool oo ku taalla isgoyska km-4 wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde.
Ehelada Askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Cabdi ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in Maxkamadd lala tiigsado askartii ka dambeysay falkii lagu dilay Wiilkooda.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaliya ayaan wali ka hadlin falka lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamadda Hay’adda NISA.