Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkadda Caalamiga ah ee Dubai DP World oo maamuleysay Dekadda weyn ee Dooraale oo ah Dekad caalami ah oo Konteenarada qaabilsan.
War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay go’aansatay inay iskeed uga baxdo, ayna baabi’iso heshiiskii ay kula jirtay shirkadda Dubai DP World, waxaana go’aankan uu noqday mid si degdeg ah u dhaqan galay.
Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay kula jireen DP World lasoo gabagabeeyay, kadib markii lagu guuldarreystay in la xaliyo muran ka taagnaa labada dhinac oo soo bilowday sanadkii 2012.
Dowladda Jabuuti ayaa si toos ah u maamuleysa dekadda Konteenarada ee Dooraale Doraleh Container Terminal (DCT), waxayna si toos ah u hoos tegi doontaa shirkadda dowladda ee maamulka dekaddaasi.
Dhinaca kale Shirkadda DP World ayaa sheegtay in in tallaabada ay qaaday Jabuuti ay tahay sharci darro, isla markaana ay bilowday dacwad cusub oo ay geyneyso Maxkamadda qaabilsan dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London.
Bayaan kasoo baxay Shirkadda Dubai DP World ayaa loogu baaqay dowladda Jabuuti inay ka laabato go’aankeeda sharci darrada ah, isla markaana ay sii wado wadashaqeyntii kala dhaxeysay. Waxayna intaas ku dartay in wax qasaare dhaqaale ah aanu kasoo gaareynin shirkadda.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay Maxkmadda International Arbitration ee London ay shirkadda DP World u go’aamisay inay wax khalad ah ku kicin, heshiiska ay kula jirto dowladda Jabuuti.
Sanadkii 2014 ayay dowladda Jabuuti ayay ku soo oogtay Shirkadda Dubai DP World ee dowladda Dubai leedahay dacwad ku saabsan inay kharash ku bixisay si sharci darro iyo musuq ah si ay u hesho heshiiska ay kula wareegtay maamulka Dekadda Dooraale oo 50 sano soconaya.