Ciidamada Amaanka Maamulka Soomaaliland ayaa ayaa xalay waxa ay Xabsiga dhigeen Siyaasi dhawaan shaaciyey in uu Maamul Goboleed Cusub ka samaynayo deegaanada gobolka Saaxil ee Maamulkaasi Soomaaliland.
Wariyayal ku sugan Magaalada Burco ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ammaanka Soomaaliland ay xireen Siyaasi Saleebaan Ibraahin Maxamuud oo ah masuulkii dhawaan ku dhawaaqay inuu samaynayo maamul goboleed uu yeelanayo gobolka Saaxil.
Siyaasi Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa dhawaan magaalada Burco ka sheegay tallaabada uu Maamul goboleedka Cusub ugu sameynayo,wxana taasi ka carooday Madaxda Maamulka Soomaalialnd.
Siyaasigaan ayaa ku hanjabay in u dhisayo Maamul uu ugu magacdaray Maamul Goboleedka Saaxil-land, isaga oo aad u dhaliilay mashruuca sahminta Shiidaalka ee laga bilaabayo magaalada Berbera iyo Shirkada lagu wareejiyey maamulka dekeda ee DP world taas oo laga leeyahay Wadanka Imaaratka carabta.