Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday gudaha iyo duleedka degmada baraawe ee xarunta rasmiga ee maamul gobaleedka koofur galbeed soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaababka ay u dhaceen weeraradaasi, wararka koowaad ayaa loo adeegsaday bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro oo lagu weeraray xarunta maamulka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose , oo ay ku sugnayeen Mas’uuliyiin iyo Askar katirsan maamulka.
Weerarka 2-aad ayaa la sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin duleedka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose.
Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Bare Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka lagu qaaday xarunta maamulka degmada, gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro.
War kasoo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar khasaare dhaliyay ay ciidamadooda gaarka ah ku qaadeen xarun ciidamada midowga Afrika ee Amisom ay ku leeyihiin duleedka baraawe, balse Al-shabaab ayaan ka hadlin weerarka loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta ee lagu qaaday xarunta maamulka degmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose.
Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weeraradaasi ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka degmada baraawe ay ka sameynayaan xaafadaha degmadaasi howlgalo xoogan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay weerarka khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday xarunta degmadaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay ee weeraro noocaan oo kala ah lagu qaado degmada baraawe. Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ayaa weerar la mid ah weerarkaan lagu qaaday degmadaasi.