Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Wadahadalada ONLF iyo Dowladda Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladdu ay soo dhoweyneyso wada hadalada maalmahan uga socday magaalada Nairobi Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF.

Mr Cawad ayaa sheegay in wada hadalo kasta oo u horseedaya gobolka nabad iyo xasilooni ay soo dhoweynayaan, ayna taageerayaan sida uu yiri.

“Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa”yuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore u gacan gelisay dowladda Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF, waxaana tallaabadaas ku weysay taageero badan, iyadoo Baarlamaanka ku tilmaamay inay aheyd dhiibidaas mid sharci darro ah.