Safiirka imaaraatka carabta u fadhiya Somaliya ayaa waxa uu la kulmay wasiirka gacasiga iyo warshadaha Somalia Mohamed Abdi Hayir ayagoona kawada hadlay xiriirka ganacsi ee labada wadan.
Labada masuul ayaa waxa ay inta badan falanqeeyeen, horumarinta iyo tayeenta hay’adaha ganacsi, ayagoona isla qiimeeyay xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya 2 wadan.
Safiirka imaaraatka carabta u fadhiyo Somalia Mohammed Ahmed Othman, ayaa ugu hambalyeeyay wasiir maareeye xilka cusub ee uu ka qabtay xukuumada Somalia,asagoona u rajeeyay in uu ku guulaysan doono waajibaadka shaqo ee horyaalo.
Dhanka kale wasiirka gacasiga iyo warshadaha Somalia Mohamed Abdi Hayir Mareye ayaa u mahad celiyay, asagoona amaanay sida dowlada imaaraatka ay ugu heelantahay taageerida iyo garabsiinta shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda imaaraatka doorka wanaagsan, ay ka qaadanayso taageerida iyo xoojinta horumarinta dhaqaale ee Somaliya,