Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaalo saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowlada federalka oo ay caawinayeeen ciidamada AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Saaka waaberigii ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada federalka waxa ay weerareen deegaano hoostaga deegaanka Aw-dheegele.
Iskahorimaad halkaa ka dhacay ayaa la sheegay inuu sababay qasaare soo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale rasaasta la isu adeegsaday ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ay hore u maamulayeen Al-Shabaab sida Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.
Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada hase yeeshee baraha taageera ururka Al-Shabaab ayaa qirey in dagaalka uu dhacay.