Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warbaahinta ayaa mas’uuliyado daro iyo qiyaano qaran ku tilmaamay jawaabtii madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo Dowladiis ay u gacan galisay Itoobiya.
Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu baalmaray in uu qirto danbiga uu dadka iyo dalka ka galay ee ah in Muwaadin uu u gacan galiyey Shisheeye wuxuuna tilmaamay Farmaajo la haa go’aankii lagu dhiibay qalbi-dhagax.
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu sheegay in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee shisheeye u gacan galiya Muwaadin Soomaaliyeed.
Dhanka kale Afhayeen Hirmoog ayaa Ciidanka Nabad sugida ku eedeeyey inay magaalada muqdisho ka cayriyeen Xaasaskii iyo Caruurtii Generaal Qalbi-dhagax kadib markii ay dhowr jeer u dhaceen guryadooda.
Madaxweyne Farmaajo uu u dabaal dagay sanad guuradiisi koobaad ee inta uu talada dalka hayo ayaa dalka oo idil waxaa laga dareemayaa in bulshada Soomaaliyeed ay wali ka tiiraanyeysan yihiin dhiibistii C/kariim Sheekh muuse oo ka mid ahaan jiray Saraakiishii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed guutooyinka ka dagaal galay 1977-dhulka Soomaaliya ee Itoobiya maamusho.