Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo dib u bilaabanaya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaabanayaan dib usoo celinta wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in Somaliland wada hadal lala galo oo laga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ahmiyad siineyso dib u heshiisiinta.

Waxa uu xusay in ay guul u arkaan in heshiis rasmi ah ay wada gaaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wada hadalo ay la galayaan Somaliland si labada shacab ay iskugu so dhawaadaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan ku baaqday in si deg deg ah loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somaaliya.