Baarlamaanka Turky-ga oo Waqtiga u Kordhiyay Ciidamadiisa Ka Howlgala Soomaaliya

Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa muddo sanad ah u kordhiyay xilliga Ciidamada dalkaasi ka howlgalayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Golaha Baarlamaanka Turkiga ayaa kulankoodii  Magaalada Ankara waxay markii tobnaad  muddo kordhin u sameeyeen Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta sida dalalka Somalia, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamadan waxaa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya, Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab, waxaana Baarlamaanka Turkiga uu isku raacay in ay sii joogaan ilaa Sanadka 2019-ka.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay in Ciidamo dheeraad ah lagu daro Ciidamada Turkiga ee howlgalkaas ku jira kuwaas oo iyana ku biiraya 10-ka Bishan February.