Howlgal uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka G/banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed oo Xalay saqdii dhexe ay guryaha dadka ku qaadeen ciidamada NISA ayaa la arkayay iyadoo lagu soo ururiyey boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro oo guryahooda iyagoo hurda loogu galay, waxaana la isugu keenay barxad xaafadeed, halkaasoo uu khudbad uga jeediyey masuulkan,
Dadka qaar ayaa arrintaasi ku tilmaamay xadgudub iyo wax laga xumaado in dad hurda la soo ururiyo oo la isku sawirro iyadoo habeen saq dhexe loo khudbeynayo, laguna tuntay xuquuqdoodii, halka dadka qaarkiis ay arrintan ku sheegeen mid ka tarjumeysa khibrad yaraanta guddoomiye kuxigeenka cusub oo ah nin dhalinyaro ah.
Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo sharci yaqaanada ayaa hore u cambaareeyay howlgallada dadka fara badan mar kaliya lagu soo ururiyo oo dowladihii Sheekh Shariif iyo qeybtii hore ee Xasan Sheekh ku dhaqmi jireen.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsane ayaa sheegay in hab dhaqanka xalay dhacay ee ciidanka Nabadsugida kula kacayaan shacabka aanu ahayn mid caawinaya wadashaqayn dhexmarta bulshada iyo hay’adaha Nabadgelyadda. “Hadii aad dadkaada xurmad tirto ogow Alshabaab ayaad dad badan u xaraynaysaa, adigoon ogayna ayaad xoojinaysaa. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda dalka in ay sidan wax u dhamaan oo shacabkooda xurmeeyaan..” ayuuna ku yiri farriin uu baraha bulshada soo dhigay.
Arintan uu ku kacay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka banaadir ayaa Noqon doonta mid dhabar jab ku noqon doonta Dowlada Federaalka ah oo horay ula daalaa dhacaysa tabar daro dhinaca amaanka iyo siyaasada. Waxayna hada u muuqataa mid sii luminaysa taageeridii shacabka oo ahayd inta yar ee u harsanayd