SAWIRRO: Nin Ku Dhintay Qarax uu ku Aasayay Magalada Baladweyn

Wararka  ka aan ka helayno Magaalada Baladweyn ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dalka ayaa ku soo waramaaya in Nin ku hawlanaa aasida waxyaabaha qarxa oo miinadii uu aasayay kula qaraxday afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha Magaaldaasi.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka Magaalada Baladwene waxaa uuna qasaaraha ka soo gaaray Ruuxii gacanta kula jiray,

Saraakiisha amaanka Gobolka Hiiraan ayaa Kooxda Shabaab ku eedeeyay in ay maleegayeen dhagar ay damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan dadka  shacabka ah hase ahaatee ay iyaku dhibaatada ku soo laabatay,

Magaalda Baladweyne oo mudooyinkii u danbeeyay uu amaankeedu soo hagaagay ayuu qaraxani noqonayaa Midkii u horeeyay ee Sanadkan ka dhacay,