Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxaana la sheegay in qaraxaasi Gaariga loogu xiray sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland, kaas oo lagu magacaabi jiray Faarax Caato.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu ka dhacay Xaafadda Israac ee magaaladaasi Gaalkacyo Salaadii Jimcaha kadib.
Waxaana ay xaqiijiyeen in qaraxa uu ku geeriyooday sarkaalkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulkaasi Puntland oo ku aadan qaraxaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Aaska waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Galmudug, gudoomiyaha gobalka Mudug, gudoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo Culimo.
Eebe ha u naxariistee Faarax Ciise Samatar (Caato) ayaa ka soo mid noqday tababarayaashii Ciidamada Milateriga xoogga dalka Soomaaliya ee xerada Deegaan.