Ciidamadda Nabad Sugida Maamulka Jubba-land ayaa xalay weerar ku qaaday hoy ay magaaladaasi ka daganaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulkaas.
Ciidamadda ayaa weeraray Hoy ay ku sugnaayeen Xildhibaan Axmed Cumar Taajir oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Jubba-land iyo sidoo kale gudoomiyaha Degmadda Kismaayo Tima Jilic.
Sida ay inoo sheegeen dadka Magaaladda kismaayo Ciidamadda ayaa saacaddo kooban xayiraad saaray masuuliyinta ka tirsan maamulka Jubba-land,waxaana rasaas ay laga maqlay hoyga ay daganaayeen mas’uuliyiinta.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubba-land inooma suurta in aan qadka taleefanka ku helno si aan wax ugu weydiino dhacdada xalay ka dhacday magaaladda Kismaayo.











